Home » . » Hrithik Roshan Oo La Dhacsan Sameynta Filimka Looga Hadlaayo Nolasha Anand Kumar Super 30

Hrithik Roshan Oo La Dhacsan Sameynta Filimka Looga Hadlaayo Nolasha Anand Kumar Super 30

Hrithik Roshan filimkiisa xiga Super 30 waxaan looga hadlaaya nolasha xisaabyahanka iyo barnaamij sameeyaha dhanka Computer-ka lagu magaacaabo Anand Kumar.

Haddab Hrithik Roshan ayaa ka hadlay filimkisa Super 30  xili uu maalinta shalay ku sugnaa Filmfare Glamour & Style Awards 2017.

Hrithik ayaana sheegay inuu la dhacsan yahay sameynta filimka super 30 asigoo ku tilmaayay filim qof walbo dhiiri galin doona oo nolasha hadaf fog ah ka leh.

Hrithik oo hadalkiisa wato wuxuu yiri ” waxaan dareemaaya mid ka mid waxyaabaha ugu waa weyn aan heysano nolasheena inuu yahay maclimiinta maxaa yeelay waxay na baraan oo caawiyaan horumarka bin aadanka”.

Sidoo kale Hrithik ayaa la weydiiyay xidigaha bollywood-ka ka tirsan midka ugu style wanaagsan asigoo yiri ” waa su’aal adag sababtoo ah waxaan dareemaaya inaan heysanin hal qof oo stylka ku wnaagsan”.

Filimka Super 30 waxaa director ka ah Vikas Bahl waxaana la daawan doona  23 November 2018 Hrithik filimkiisa ugu danbeeyay wuxuu ahaa filimka Kaabil oo Below Average noqday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *