Superstar Hrithik Roshan waqti nasiino ayuu ku jiraa kadib markii sanadkii hore Bollywood-ka wacdaro ka dhigay madaama War uu Blockbuster u noqday halka filimkiisii kale Super 30 isagana HIT noqday sidoo kalena aad loo amaanay bandhiga kala duwan ee uu shaashada ka muujiyay.

Haddaba Hrithik Roshan waxaa si kadis ah kula kulmay taageerihiisa oo aad ugu farxay aragtidiisa madaama kulankan uusan noqonin mid waqti badan wada qaateen Hrithik iyo taageerihiisa waayo HR gaarigiisa ayuu ku dhex jiray taageerihiisana banaanka ayuu taagnaa oo waxyar ayay wada sheekeesteen.

Cid kale ma ahan Hrithik taageerihiisa waa wiilka soo caan baxay ee xidiga noqon raban Kartik Aaryan oo dhawaan masraxa loo saaray filimkii Love Aaj Kal oo ay isla jileen Sara Ali Khan sidoo kalena bandhigiisii si wacan ayaa loo amaanay.

Kartik Aaryan marar kala duwan ayuu meel fagaaro ah ka sheegay inu Hrithik Roshan taageero weyn u yahay sidoo kalena jecel yahay inuu maqaamka HR oo kale fanka Hindiya ka gaaro sidaa darteed Kartik Aaryan wax caadi ayuu u arkaa in laga qabto sawiro asigoo Superstar Hrithik gaarigiisa ku dhex jiro la sheekeesanayo.

Kartik Aaryan wuxuu goobta kula balansanaa Kiara Advani oo ay isla soo wadaan filimka Bhool Bhulaiya 2 inta aysan soo bixin Kiara ayuu banaanka Hrithik oo gaari saaran ku arkay kadibna wada sheekeesteen sida aad Video-ga ka arki kartiin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here