Dance , Action, Romantic marka lasoo hadal-qaado waxaa qasab ah inad ku dhawaaqdid aktarka Hrithik Roshan kaaso si xoog leh kusoo galay fanka Bollywoodka xili ay dhibnayd in xitaa la noqdo jilaa

Hrithik ayaa fanka si weyn ugu yaabsaday ka dib markii uu kusoo caan baxay filimka Kahoo Na Pyaar Hai sanadkii 2000 waxaana bandhiga filimkaas uu ku mutaystay in la isugu daro aktarka ugu fiican Bollywoodka kan aktarka ugu wanaaagsan ee ku cusub Bollywoodka waana dhacdo qariib ah in la arko midaas

haddaba jilaagan oo u dabaal-dagay dhalashadiisa ayaa wax laga weydiiyay doorka ugu jeclaa doorarka uu ku jilay aflaamtiisa waxaana aktarka ku aragnay doorar caan ah sida Rahul filimka Koi Mil Gaya , Aryan doorkiisa filimka Dhoom iyo kuwa kale oo caan ah

laakiin aktarka ayaa si qaas ah farta ugu fiiqay doorkiisa filimka Main Prem Ki Deewani Hoon isagoona ku tilaamay midka uu ugu jecel yahay doorarkiisa sidoo kalena uusan hilmaami doonin

” waxaa filimkaas ku qaatay waqti wacan maadaama daqiiqad walba aan ku raaxeysanayay jilista dookayga Prem waana mid i dareensiisay farxad iyo fur-furnaan dheeraad ah mana ahan mid aan dabeecad u leeyahay laakiin waxaan ku bartay micanaha iyo dhadhanka ay leedahay nolosha iyo farxada”

haddaba akhriste maku raacsan tahay fikrada aktarkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here