Bollywood Super Hero Hrithik Roshan 2019 sanad wanaagsan ayuu u ahaa waxuuna la yimid labo Filim oo guulo muhiim ah u gaareen kuwaaso kala ah WAR iyo Super 30 wixii markaas ka dambeeyay jilaagannwax mashruuc ah ma uusan saxiixan.

Balse waxuu shaaca ka qaaday inuu xiiseynaayo sameeynta fariimo ama sheeko shabahaan aflaam uu horey u sameeyay waxuuna tusaale usoo qaatay seddex Filim uu horey u sameeyay wareysi uu sadaafada dhowaan siiyay ayuuna arinkaan kaga hadlay.

“Filimka waxuu u kala baxaa mid 2-atoore iyo ka badan wada jilayaan misane ku xifaaltamayaan iyo mid hal atoore hogaamiye ka yahay anigana waxaan ka helaa aflaamta atoorayaal kale aan la jilaayo.”

“Filimadaan horey u sameeyay waxaan ugu xiiseeyaa Zindagi Na Milengi Dobara, WAR iyo Dhoom 2 dhamaantoodna atoorayaal kale ayaan la jilay oo qaarkood shaashada ku xifaaltanay waxaana jeclaan lahaa cimrigeyga inta kadhiman Filimo sidaas oo kale ah inaan sameeyo.”

Roshan ayaa sido kale sheegay baahida uu uqabo inuu sameeyo Filim uu askari Police ah kujilaayo maadama waligiis dharka Police-ka shaashada horteeda uusan kuxiranin,”door walba waan tijaabiyay marka laga reebo doorka askari Police ah dhab ahaantii fursadaas wali waan sugayaa hadii aan helana doorkeyga ugu fiican abid ayaan ka dhigi doonaa laakiin Filimsameye iisoo bandhiga wali ma arag.”

Hrithik ayaa hadalkiisa intaas kusoo koobay dhanka shaqada wali wax mashruuc cusub ah oo uu saxiixday majiro marka laga reebo Krrish 4 oo wali sheekadiisa la diyaarinaayo tani waxay ka dhigantahay in HR sanadkaan wax filim ah la imaan doonin waa haddii wax isbedelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here