Superstar Hrithik Roshan waa shaqsi fanka Hindiya maqaam sare ka gaaray sidoo kalena bulshada ku dhiiri galiyo inay caqabad walbo oo nafsaani ah ka guuleesan karaan madaama uu dhiiri galin ahaan dadka ula wadaago inuu ahaan jiray qof xishood badan oo aan filim duubi karin, qof shig shigo oo hadalka toos u xariirin karin iyo qof jirkiisa aan dhisnaan jirin, waxaana xusid mudan dhamaan caqabadahaas inuu HR ka guuleestay.

Haddaba waxaa dhacday in buuga luqada Af Ingiriiska lagu barto ee fasaxa 6-aad dalka Hindiya cutub ka mid ah lagu soo qaatay sheekada Hrithik Roshan iyo sida uu caqabad walbo kaga guuleestay waxaana cutubkan ciwaan u ahaa “Sida Kalsooni Nafsaani Ah Loo Helo”

Waxaa cutubkan ama Chapter-kan looga sheekeeyay in Hrithik Roshan uu ahaan jiray qof xishood badan, cabsi badan sidoo kalena shig shiga oo aan hadalka xariirin karin taasi oo u diidi jirtay inuu dadka soo hor istaago balse ugu dambeyntii caqabad walbo oo heesatay wuu ka guuleestay madaama uu isku kalsoonaa. Waxaana ardayda sheekadan loola wadaagay ama muqararka buuga Ingiriiska lagu barto fasalka 6-aad loogu soo daray in Hrithik Roshan tusaale u noqdo inay kalsooni helaan caqabad walbo oo nafsaani ahna ka gudbi karaan.

Dhinaca shaqada Hrithik Roshan sanadkii hore 2019 wuxuu la yimid labo filim Super 30 oo HIT noqday iyo War oo Blockbuster noqday haatana waxaa lagu jiraa xaalad bandhow ah oo qof walbo gurigiisa kasoo bixi karin Coronavirus Hindiya dhibaato ku haayo awgeed markii xaalada caadi kusoo laabato waxay u badan tahay Superstar-kan inuu filimka Krrish 4 duubis ku bilaabi doono oo aabihiis Rakesh Roshan Director iyo soo saare ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here