Ugu dambeyn Sunaina Roshan ayaa qoyskeeda dib ugu soo noqotay sido kalena la heshiisay sida wararka maanta sheegayaan kadib markee kala tageen ninkii ay xiriirka la laheed ee lagu magacaabo Ruhail Amin.

Sunaina iyo qoyskeeda wey isku dhaceen xitaa aabahed Rakesh Roshan wuu dhirbaaxay sida la sheegay maadama nin xaasle ah caruurna leh ay xiriir la sameeysay sido kale walaalked Hrithik wuu diiday inuu garab kusiiyo xiriirkan walaashiisa.

Ruhail Amin, Sunaina Roshan

Kadib Sunaina go’aan ayee gaartay ninkii ayee hoosta ka guursatay guri gooni ahna wey la dagtay qoyskeedana wey kasoo hor jeedsatay xitaa kiiskii Kangana iyo Hrithik waxay garab siisay Kangana.

Balse wax walbo wey isbedeleen Sunaina ninkii ay reerkeeda dartiis isugu dhaceen ayee is dagaaleen ugu dambeyn safaaradaha ayeena kala qaateen maadama ninka u go’ay xaaskiisa iyo caruurtiisa Sunaina iyadana qoyskeeda ayee la heshiisay dib ayeena usoo noqotay.

Markii hore hadalka reerkeeda wey diiday markii ay runta soo aragtayna wey soo noqotay si gacma furan ayaa lagusoo dhaweeyay sida wararka sheegayaan farxad ayeena kula nooshahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here