Hrithik Roshan waa jilaa 45 sano jir ah oo ka tirsan shirkada Bollywoodka isagoo ka mid ah jilayaasha ugu awoodda iyo mushaarka badan Bollywoodka

laakiin aktarkan waxaa uu taageerayaal fara badan ku leeyahay daafaha caalamka kuwaaso u badan dumar maadaama uu leeyahay qurux iyo jir dhisan

haddaba aktarkan ayaa hadda loo doortay ninka ugu shidan qaarada Asia ee sanadkan 2019 iyo 10 sano ugu dambeeyay ninka ugu shidan qaaradaas

waxaana abaal-marintaas bixisa shabakadaha dalka Uk kuwaaso kala ah UK-based newspaper, Eastern Eye waana abaal-marin soo jirayn ah kuwaaso hadda gaadhay markii 16 oo ay bixiyaan abaal-marintaas

iyadoo shabakadahan ay tartankan u qabato dhamaan jilayaasha ugu caansan uguna qurux badan qaarada Asia waxaana codeyntan lagu qabanaya baraha bulshada waana maqaam u gaaray aktarka Hrithik Roshan kaaso loo doortay ninka ugu shidan qaarada Asia 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here