Huma Qureshi waxay kamid tahay atiriishooyinka jawiga dhexe kusocdaan ee Bollywoodka waqtigaan ka howl galaan waxaana lagu tiriyaa mid kamid ah kuwooda ugu miisaanka weyn ee miisaanka culus.

2017 Filimkii ay Akshay Kumar la sameeysay ee Jolly LLB 2 ayaa ugu caansan aflaamteeda oo dhan xidigtaan mudo 5 bilood kudhowaad ah waxay ku maqneed Los Angeles halkaaso ay Filim ku duubeysay waxayna dalka India dib ugu soo noqotay Diwali-gan.

Mumbai Mirror ayaa wareysi la yeeshteen xidigaan waxayna weydiyeen bal inee isaga baxday Bollywoodka maadama mudo dhan muuqeeda xitaa ls waayey waxayna tiri iyadoo hadleysa,”maya kama bixin balse waan uxiisay Bollywoodka, qoyska iyo asaxaabteyds waana run in mudo ah hawada la iga waayey.”

Qorshaheeda xiga ee Bollywoodka ayaa la weydiiyay waxayna tiri,”waxaan rabaa markaan inaan kusoo laabto Filim shactiro ah haa sidaas ayaa rajeynaa” ugu dambeyn waxaa la weydiiyay ninka lagu xanto ee Mudassar Aziz ine guursan rabto warkaasna xaqiiq yahay.

Waa Filimsaye saaxaada kucusub waxuuna sameeyay Filimka Pati Patni Aur Woh hadaba Huma ayaa iska diiday inee su’aashaas ka jawaabto waxayna kusoo gaba gabeysay hadalka,”dadka waxay doonaan ha iska sheegaan ee iska dhaaf waan ka gudbeenaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here