Kadib markii uu maalintii isniinta shaaciyay jilaaga weyn ee Idris Elba inuu qabo misna haleelay caabuqa Corona Virus ayaa waxaa jimcihii soo baxay muuqaal Fake ah kaasoo muujinaayo Idris Elba oo xaaladiisa darantahay misna isbitaalka ku jiro arintaasoo su’aalo badan la iska weydiiyay.

Balse Idris Elba ayaa kasoo jawaabay muuqaalkaas oo Youtubeka lasoo dhigay jimcihii wuxuuna sheegay inuu bad qabo xaalad halisna ku jirin kaliyana maalintii koowaad uu madax xanuun iyo qufac dareemay balse haatan uu ka roonyahay.

47 jirkaan ayaa sheegay in bad qabkiisa caafimaad haatan soo hagaagayo dhagna loo dhigin wararka been abuurka.

Dhanka kale Jilaagaan ayaa lagu eedeeyay inuusan ka taxadarin bad qabka xaaskiisa Sabriina taasoo ag fadhisay xiligii uu iclaaminayay inuu Corona qabo waana arin halisteeda wadato inaad ag fadhiisato qof Viruska xambaarsan maadaama uu kuusoo gudbin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here