Gabadha heesaaga ah Kanika Kapoor ayaa laga helay caabuqa Coronavirus sidaan horey idiin kula wadaagnayba waxuuna kudhacay xili ay kasoo safartay UK balse xidigtaan maba rumeysanin fagtii hore in caabuqa laga helay sidaa aawged meel gaar ah ayaa lagu hayaa hader oo lagu daaweynayaa.

Marwalba baaritaan ayaa lagu sameeyay si ay Negative u noqoto ama kaga caafimaado caabuqa waana marwalba oo laga daaweyo balse nasiib xumo seddex jeer oo laga daaweyay misane laga baaray waa laga helay oo wali kama aysan caafimaadin.

Ilaa hadana daawo ayaa usocoto mar ay la hadleysa wargeyska Times of India waxay sheegtay in daryeel fiican iyo cunno fiican aysan heleynin,”meeshaan baahi ayaa igi dishay markaan dalbado cunno waxaa la iikeena kaliya labo xabo moos ah iyo hal koobnoo cabitaan Orange ah mana igu filna baahi xoogan ayaa dareema kaaga daran daawada la iiqoray sidii loogu talo galay la iima siiyo.”

Kanika ayaa saxaafada sidaa la wadaagtay xaaladeeda hader halis weyn ma ahan waana laga daaweyn karaa balse waxay u muuqata in daryeel fiican ka heysanin dadka karantiileen ee qaabilsan inee iyada daaweyaan seddex jeer xiriir ah ayaana laga helay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here