Filimka Hush oo soo baxay 2016 oo loo maleyn jiray filim iska caadi ah oo aan ku saleysneen sheeko dhab ah ayaa shaaca laga qaaday in qiso dhab ee tahay gabar magaceeda ku sheegtay Marry Carthy ayaa saxaafada u sheegtay in sheekada filimkaas ayada laga soo meen guuriyay.

Filimka Hush oo waday atariishada lagu magacaabo Kate Siegel ayaa ku saabsanaa gabar dhigaha la’ oo qoraa ah kuna nooleyd guri ka baxsan magaalada kaligeed, waxaa soo weeraraayo tuug saqajaan ah kaasi oo isku daayaayo in uu nafta dhaafiyo.

Kate Siegel oo ahayd gabar dhagool ayaa isku dayeeso in ee badbaadsato nafteed sida ugu macquulsan wexee isku dayeesaa in ee la xariirto Booliska balse nasiib darro dhagar qabihi ayaa jaraayo Karoontada guriga. Rafaad iyo dhaawacyo badan oo gabadhi gaaray ka dib wexee ku guulesaneesaa in ee disho dhagar qabihi 9:30PM ayadoo u dhiman rabto dhaawac yadi soo gaaray waxaa u imaanayo Booliska.

Haddaba filimlaas oo noqday Blockbuster waxaa la soo warinayaa in sheekadaas ee run ahayd gabadh lagu magacaabo Marry Carthy ayaa saxaafada u sheegtay in 6 sano ee cabsi la aamusneyd Wexeena tiri:

” Waxaan ku noolaa Lix sanno xaalad amusnaan ah, waxaan ku noolaa murugo iyo xanuun qalbiga ah waxaan ka codsaday sameeyaha filim-ka in sheekadeeda uusan shaacin wuu mahad san yahay wuu iga aqbalay.”

” Balse dhiiro gelin igaaga timid ninkeega iyo saaxibadeeda ayaan go’aansaday in aan shaaca iska qaado cabsidana iska fogeeyo, hadda ma cabsanaayi mana ka shalaynaayi wixii aan sameeyay Ilaah ayaana mahad leh oo ii gar gaaray xili aan u baahnaa gar gaar.”

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here