“Ilaahay isha xaasidka hanaga ilaaliyo jaceyl xaasid ma waayee” Fanaanka reer Turki oo qaati ka taagan xaasid Jaceyl.

0
1047

Fanaanka caanka misna u dhashay dalka Turkiga laguna magacaabo Hakan Altilun ayaa sheegay in mudo dheer kadib uu jaceylkiisa helay kadib markii uu xiriir la yeeshay atariishada Turkiga ee Gonja oo 34 jir ah, halka asigana 48 jir yahay.

Hakan oo wax laga weydiiyay jaceylka asiga iyo Gonja ka dhaxeeyo ayaa yiri; “sanado badan kadib cishqiga ayaa haatan nolosheyda soo galay, wax walba haatan si hagaagsan ayay u socdaan”.

Mar uu ka hadlaayay ka hadlida noloshiisa gaarka ah iyo jaceylkiisa ayuu yiri; “ilaahay isha xaasidka hanaga qabto, ma jecli aniga nolosheyda gaarka ah inaan banaanka keeno, waayo aniga waxaan aaminshahay inuu jiro xaasid waana ka cabsadaa ishiisa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here