Ilaalada Kim Kardashian oo surka ku dhuftay hooyada dhashay Kim Kardashian kuna ciqaabeen khalad ay gashay.

0
1039

Kim Kardashian waxay kamid tahay shakhsiyaadka ugu caansan uguna shacbiyada balaaran aduunka ayadoona caan ku ah barnaamijyada TVyada ka baxa kuwaasoo ay daadihiye katahay.

Hadaba ilaalada xidigtaan ayaa dhaawac u geystay hooyada dhashay Kim Kardashian kadib markii khalad ay sameysay ku ciqaabeen.

Arinta ayaa waxay dhacday kadib markii Kim hooyadeed ay guriga kasoo gashay albaabka  dambe halkii laga rabay albaabka hore iney kasoo gasho waxaana arinta ku baraarugay ilaalada Kim Kardashian kuwaas oo mooday in uu yahay tuug doonayo inuu guriga xado waxayna ku dhufteen qoorta.

Kadib markii ay ilaalada ogaadeen ineysan tuug aheyn taas badalkeedana tahay hooyadii dhashay Kim Kardashian ayay ambalaasta waceyn si maamamada gurmad loogu fidiyo.

Waxay aheyd 2016dii markii Kim Kardashian koox tuugo hubeysan u dhaceen iyadoo joogto magaalada Paris waxaana dhacday in wixii markaas ka dambeysay ay Kim ka taxadarto amaankeeda iyo midka qoyskeedaba waxayna guriga ku wareejisay ilaalo 24 saac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here