Illeana waa atirisho caan ah taaso magac iyo maqaam ba kuleh fanka hindiya xidigtaan ayaa jiliinka kudhex jirta tan iyo sanadkii 2006.

Illeana waayahedi fanka guul iyo guuldaro wey soo dhadhamisay sido kale nolosheeda dhibaato badan ayee soo martay hadana xidigtaan adkeesigeda iyo kartideda ayee maanta heerkaan kusoo gaartay.

Illeana oo wareysi Mobile bixineyso ayaa waxaa wax laga weydiyay waayahedi fanka iyo safarkii ay soo gashay kuna noqotay xidig caan ah balse Illeana ayaa sida tan ku jawaabtay.

“Dadka waxay idhahaan waxaad tahay atirisho caan ah (Star) balse aniga maba isku maleeyo waxyaabahas iyo inaan caan ahay.”

“Marka aan shaqsi ahaan u hadlo waligey kuma fikir inaan dunida caan ka ahay kaliya shaqadeyda ayaan qabsadaa qof walbana si caadi ah ayaan ola dhaqmaa nolosheyda marnaba Star iskama dhigin intaan is fiiriyay balse idinka ayaa Star iga dhigteen oo maanta magacan iiyeesheen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here