Home » Nolosha Jilaayaasha » Ileen Arjun Kapoor Bollywoodka Kahor Ayuu Saaxiib La Ahaa Katrina Kaif Bal Nala Ogow!!

Ileen Arjun Kapoor Bollywoodka Kahor Ayuu Saaxiib La Ahaa Katrina Kaif Bal Nala Ogow!!

Arjun Kapoor waa shaqsi aad ugu dhow Katrina Kaif marka loo fiiriyo habka uu ula kaftamo xidigtaan fagaaraha dadka wada joogan isagoo foodeyo.

Arjun iyo Katrina waxay aqoon isku lahaayen kahor Bollywoodka inta uusan soo galin Arjun ayagoo goobaha xafladaha ah ku kulmi jireen sido kalena saaxiibo caadi ah aye noqdeen xafladaha qaarna isku raacaan.

Shalay xidigaha Bollywoodka ayaa baraha bulshada Katrina oga hambalyeenayeen sanad guurada dhalashadeeda sidaa aawged Arjun dhankiisa ayuu kaga hambalyey xidigtaan waxuuna soo raaciyay hambalyadiisa sawirka sare kuxusan.

Sawirka waa mid hore iyo mid dambe kan hore waa xili uusan Arjun Bollywoodka imaanin hadana ay gacmaha is heestaan Kaif ayagoo goob xaflad wada joogaan midka kalena waa mid xiliyadan dambe ah oo ay hadana gacmaha is heestaan waana shaqsiyaad saaxiibtinimadooda muujiyan had iyo jeerna kaftamanaa..