Atiriishada awooda badan ee Katrina Kaif waa mid kamid ah xidigaha ugu guulaha badan Bollywoodka inkasto gabadhaan sanadadii dambe guul daroyin dhowr ah la kulantay hadana awoodeda ine so ceshato waxba kama xigaan.

Ma ogtahay akhristoow Katrina inee taagero rasmi ah u tahay Super Star Hritik Roshan waligeedna ay aad u xiisen jirtay qaab jiliinka Hritit, qoob ka cayaarkisa iyo dhismaha jirkiisaba.

Sidaa wada ognahay Katrina iyo Hritik waxay horey u wada sameyeen filimada Bang Bang iyo Zindagi Na Milegi Dobara.

Hadaba Kat atooraha ay Bollywoodka ka taagerto waa Hritik Roshan sido kale atiriishoyinka ay Bollywoodka waliged ka taageri jirtay waxay kala yihiin Madhuri Dixit iyo Kajol.

Dhanka aflaamt ay Bollywoodka  ay ka xiiseyso waxaa kamid ah Umrao Jaan, Dil Dhadakne Do iyo Tanu Wedes Manu Returns.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here