Illeana D’Cruz waa atiriisho magac weyn ka sameeysatay dhankaa iyo koonfur India Filimo badan oo guulo lixaad leh gaareen ayeena sameeysay dhanka Bollywoodka Filimka Barfi ee Ranbir Kapoor hogaaminaayey ayee kusoo caan baxday.

Xidigtaan ayaa wareysi dheer bixisay oo ay dadka oga sheekeysay marxaladihii adkaa ee shaqada fanka ka qabsatay waayaheeda hore waxay sheegtay in jirkeeda caqabad ku noqday, mar lagu xad gudbay iyo dad aan u qalmin oo ay la shaqeysay.

Waxay tiri iyadoo la hadleysa markii jirkeeda caqabad ku noqday,” shaqada fanka waan ku cusbaa waxaana ahaay gabar caato ah waxaa la idhahay miisaankaada kordhi sidan shaashada horteeda kuma hor istaagi kartide waana markii sawiro tijaabo ah la iga qaaday.”

“Mid kamid ah shaqaalaha ayaa idhahay anoo maqlaayo tan garbo fiican xitaa malahan waa laf iyo maqaar ana waxaan ugu jawaabay anaa isku jecel sidaas kadibja waan ka cararay meesha anoo xanaaqsan.”

“Mudo kadih waan caylay oo miisaankeyga ayaa kordhay hadana waxaa laigu dhahay waad buurantahay miisaankaada yaree waana ciishooday hadana juhdi ayaa galiyay sidaa isku caateen lahaa marka shirkadan shaqadeeda masahlana dhib badan ayaa kasoo maray.”

“Dhanka kale anoo Filim duubaayo Ragg anshax xun ayaa kaa faaideysanaayan dumarka jirkooda qeybaha gaarka ah ayee gacanta la aadayaan dhowr jeer ayee igu dhacday waana wax atiriisho walbo la kulanto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here