Atiriishada Illeana D’Cruz ayaa shaaca ka qaaday inee xiriir la laheed sawir qaadaha caanka ah Andrew Kneebone oo udhashtay Australia balse hader wey kala hareen si rasmi ah ayee safaaradaha u kala qaateen waxaana xiriirkan qiyaano ka dhigay Andrew oo gabadhaan qalbiga ka jabiyay.

Xidigtaan mudo sanado ah ayee ninkaan la socotay afka kama aysan sheegin balse sarbeeb badan ayee baraha bulshada dadka ugu sheegi jirtay inee xiriir la leedahay ninkaan ugu dambeyn wey kala hareen waxaana la sheegay inuu Andrew isaga tagay oo ballanti guurka kaga baxay Illeana.

Saxaafada ayaa wax ka weydiyeen waxayna go’aansatay inee runta u sheegto waxay tiri,”waxba idinkama qarinaayo markaan mana idinku inkiraayo xiriirkan waa run waana xaqiiq.”

Waxay kaloo tiri,”ma doonaayo inaan ka hadlo qaabkii uu ku bilaawday xiriirkan balse waxaan idiin sheega qofka qiyaanada jaceyl loo geestay inaan ahay aniga” xidigtaan waxay tiri caafimaad ahaan iyo niyad ahaan hader inee wanaagsantahay wax walbona iska ilaawday.

“Haa wax walbo hore waan ilaaway caafimaadkeyga ayaa midaas kujiro Andrew nasiib wacan iyo nolol cusub ayaa u rajeynaa” ayee hadalkeeda ku dartay dhanka shaqada waxay xayeysiin u sameyneysaa Filimkeeda Pagal Panti ee dhowaan la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here