Atiriishada caanka Illeana D’Cruz ayaa shaaca ka qaaday inee kamid tahau doobyaasha ugu waaweyn fanka hindiya waqtiyaan noloshana ay kali kutahay horeyna waligeed nolosheeda nin usoo marin.

Quruxleydan Bollywoodka iyo koonfurba ugu faanto dhexdeeda yar iyo sio jiidashadeeda ayaa arinkaan shalay ka dhawaajisay xili la islahaa waaba xaas oo nin ayaa si hoose xili hore u guursaday balse arinkaas oodhan wax kama jiraan ayee ku tilmaamtay.

Sawir qaadaha caanka ah Andrew Kneebone ayaa lagu xaman jiray inee xiriir la leedahay sido kalena uu si qarsoodi ah u guursaday xitaa waxaa la isla dhexmaraayey inee uur leedahay arimahaas oodhan Illeana wey beenisay xili saxaafada shalay wareysaneysay.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,” waa wax kama jiraan sheekooyinkii aad horey umaqli jirteen aniga hader nolosha kali ayaan ku ahay horeyna waligey nin xiriir ulama yeelan balse hader waan xiiseynayaa.”

“Hooyadey ayaa saaxiib ii ah oo aan waqtigeyga badana la qaataa waxaan kaloo leeyahay gabdho saaxiibo ah oo meel walba ii raacaan laakiin nafta wey iska rabtaa wiil muqaayad kuu wada gacanta is qabsataan naftama raali katahay waqtigeeda ayaan sugaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here