Illeana D’Cruz waxay ku mashquulsantahay xayeysiin u sameeynta Filimkeeda Pagalpanti ee Bollywoodka ah xidigtaan waxay la shaqeysay atoorayaal caan ah sida Akshay Kumar, Ajau Devgn, Ranbir Kapoor, Varun Dhawan iyo kuwa kale.

Balse waligeed Filim lama sameynin seddexda Khans oo ah seddexda atoore ugu maqaamka sareyeen fanka hindiya 30-kii sano u dambeysay nasiib uma yeelan ayaa ladhihi karaa quruxley Illeana inee shaashada kala soo muuqato SRK, Salman iyo Aamir.

Saas ee tahay labo fursad ayee heshay oo ay Filim kula sameeyn laheed Salman Khan baraha bulshada ayee dhowaan ku shaacisay inee iska diiday labo Filim atiriisho kowaad looga dhigay oo Salman Khan hogaamiye ka ahaa sababte u shaacisayna waxay ahed qof taageerayaasheeda kamid ah ayaa weydiiyay suaashas iyadana si xushmad kudheehan ayee kaga jawaabtay.

Dad ayaa xidigtaan ku tilmaameen inee kibir badan tahay maadama ay iska diiday Salman Khan labo Filim ay la sameeyn laheed hadaba maxay tahay sababta ay ku diiday labada Filimse waa kuwee.?

Ileana D'Cruz had rejected these two superhit Salman Khan movies

Wanted iyo Kick ayee kala yihiin labada Filim Illeana iska diiday ee Salman Khan hogaamiyaha ka yahay midka kowaad ee Wanted sababte ku diiday waxay tahay in imtixaan waxbarasho waqtigaa usocday waana 2009 kahor marka loo soo bandhigay weyna cudur daaratay in exam ay laheed aawged.

Midka labaad ee Kick sababte ku diiday ayaa ahed inee seddex Filim isku kor duubeysay kooxda Kick ayee ka codsatay inee dib udhigaan xiliga duubista Filimka Kick si ay usoo dhameesato duubista Filimada kale ay ku mashquulsaned waa laga diiday midaas iyadana waxay tiri howsheyda kama soo tagi karo qandaraas ayaa saxiixay kala barna ii maraayo marka waad fasaxantihiin.

Sidaa aawged Illeana Filimka Wanted inee sameyso Exam ayaa udiiday kan kale ee Kick ahna waxaa udiiday mashquul Filimo kale oo ay kujirtay waxaana boosaska Filimadaas kala galeen Ayesha Takia (Wanted) iyo Jacqueline Fernandez (Kick)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here