Most Eligible Bachelor wuxuu ka mid yahay filimada Telugu sameeyeen ee sida weyn loo sugaayo waxaana hogaamiyaal ka ah Akhil Akkineni iyo Pooja Hedge waana filim jaceyl iyo shactiro isku jiro oo mada daalo dhameestiran leh sidoo kalena hadal heyntiisa aad ayay u sareysaa.

Filimka Most Eligible Bachelor dhawaan aragtida kowaad ee idiin muuqato ama kaartada sare markii laga soo bandhigay qof walbo ayaa filimkan hadal haayay waxayna kooxda mashruucan xaqiijiyeen in la daawan doono feestada Pongal ee ku beegan horaanta sanadka dambe ama todobaadka ugu horeeyo bisha Janaayo 2021.

Haatan waxaa la ogaaday in kooxda filimka Most Eligible Bachelor hormaris ahaan loo siiyay 6.50 Crore ($868k) waxaana laga iibsaday xuquuqda Satelite-ka ee filimkan xiisaha badan marka tiyaatarada la saaro haddiii filimkan HIT weyn noqdo kooxda filimkan lacagta looga iibsaday xuquuqd ahaan waa loo laba jibaari doonaa.

Akhil sedexdiisa filim ugu horeeyeen Akhil (2015), Hello (2017) iyo Mr. Majnu (2019) dhamaantooda ganacsi ahaan wey guul dareesteen markii tiyaatarada la saaray balse dhamaantooda markii Satelite-ka iyo TV-yada laga daawaday siweyn ayay u guuleesteen oo loo soo dhaweeyay waana arinta haatan keentay shirkada Star MAA sii iibsato Akhil filimkiisa Most Eligible Bachelor asigoon aan soo bixin madaama wiilkan shacbiyad balaaran uu leeyahay mustaqbalkiisana wanaagsan yahay.

Filimka Most Eligible Bachelor waxaa Director ka ah Bhaskar halka shirkada weyn Geetha Arts maal galineyso waxaana lagu kalsoon yahay in mashruucan Akhil guusha u baahan yahay ku heli doono sidoo kalena waxaa garab siineyso Pooja Hedge oo haatan ka mid ah atirishooyinka fanka Hindiya loogu jecel yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here