Waxaan dhawaan idinla wadaagnay aflaanta Bollywood-ka ee All Time Blockbuster (ATB) noqdeen laga soo bilaabo sanadii 1994 ilaa iminka balse haatan waxaan helnay xog dhameestiran oo ku xeen daaban laga soo bilaabo 1940 ilaa iminka aflaanta darajada ugu sareesay gaareen.

Sida caadiga ah xogta aflaanta Hindiga ganacsiga ay sameeyaan waxay ku xeen daaban tahay 1940 ilaa iminka kama dhigno wixii 40-maadkii ka horeeyay in Hindiya aflaan sameyn jirin balse wixii waqtigaas ka horeeyay xog saxan lama heli karo iyo nidaam quman oo lagu xisaabin karo ganacsiga aflaanta tiyaatarka ka sameeyaan.

Sidaa darteed taariikh ahaan fanka Hindiya aflaanta darajada ugu sareesay gaareen waa kuwo aan tiro ahaan badneyn waayo filim si uu All Time Blockbuster u gaaro waa inuu iskoorka lacagaha, saamiga cajaladaha iyo iskoorada gobolada la wareegaa 50% ama 100% inuu iskoor cusub soo kordhiyo.

Fadlan hoos kaga bogo taariikh ahaan aflaanta ATB gaareen darajo ahaan ee la hubo fanka Hindiyana dhaxal lama taabtaan ah ku leh:

1. Kismet (1942)

2. Rattan (1943)

3. Mother India (1957)

4. Mughal -E-Azam (1960)

5. Sholay (1975)

6. Jai Santoshi Maa (1975)

7. Ran Teri Ganga Maali (1985)

8. Main Pyaar Kiya (1989)

9. Aankhen (1993)

10. Hum Aapke Hain Kaun (1994)

11. Dilwale Dulhania Le Jayeinge (1995)

12. Raja Hindustani (1996)

13. Border (1997)

14. Kuch Kuch Hota Hai (1998)

15. Gadar Ek – Prem Katha (2001)

16. 3 Idiots (2009)

17. Dhoom 3 (2013)

18. PK (2014)

19. Bajrangi Bhaijaan (2015)

20. Dangal (2016)

21. Bahubali – The Conclusion (2017)

Atoorayaasha Sida ay darajadan ugu sareeyaan:

Aamir Khan- 5-filim

Salman Khan- 3-filim

Sunny Deol/Shahrukh Khan- 2-filim

Ashok Kumar, Kiran Diwan, Dilip Kumar, Sunil Dutt, Dharmendra, Amitabh Bachchan, Govinda, Suniel Shetty – 1-filim.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here