Director Rajkumar Kohli ayaa la saxiixday Sunny iyo Suniel si ay door muhiim ah ugu yeeshaan filimka Qahar ee dib loogu soo celinaayay wiilkiisa Arman oo markaas awoodiisii lumeesay.

Sunny Deol wuxuu qaatay 50 Lakh xiligaas asigoo duubista filimka Qahar ku lahaa 15-maalmood waana lacag aad u badneyd sanadii 1995 madaama atoorayaasha badankooda filim dhameestiran 50 Lakh ilaa 40 Lakh ku sameyn jireen.

Star Power-ka Sunny Deol waxay ahayd xiligaas mid aan loo dhawaan karin waayo filimka uu kasoo muuqdo wuxuu ku furmi jiray nidaamka Pumper-opening loo yaqaan oo ah in filimka 80% ilaa 100% ku furmo.

Suniel Shetty isagana wuxuu qaatay 30- Lakh xiligaas duubista filimka Qahar wuxuuna ku lahaa jadwal ahaan mudo 30-maalmood ah duubista filimkaan.

Suniel Shetty waqti fiican ayuu xiligaas ku jiray wuxuuna ku qaatay sameynta filimka Qahar lacag adag marka loo fiiriyo jadwal 30-maalmood ah inuu 30 Lakh ku qaatay xiligaasna atoorayaasha isaga la mid ahaa sida Ajay Devgn iyo Akshay Kumar filim dhameestiran ayay lacagtaas ku qaadan jireen.

Qahar Wuxuu Noqday Filim Guuleestay Markii Tiyaatarada La Saaray: Director Rajkumar Kohli lacagtiisa kama lumin madaama awoodii Sunny iyo Suniel  filimkaan ku bad baaday asigoo Average noqday, Armaan Kohli inkastoo uu atoore ka ahaa hadana filimkaan waxaa gadeen labadii caawiyaha ka ahaayeen.

Qahar oo la daawaday waxaa lagu qarash gareeyay 4 Crore wuxuu keenay 6.10 Crore cimri ahaantiisa waxaana saami ahaan laga helay 3.13 Crore taasi oo ka dhigtay in 78.25% dib usoo celiyay lacagtii ku baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here