Kareena Kapoor Khan waa mid kamid ah atiriishooyinka ugu maqaamka sareyaan fanka hindiya waxayna ku ammaanantahay inee 20-sano soo taagneed filimadana hogaamiye atiriisho ka ahed waana wax naadir ah In la helo atiriisho awoodeda 20-sano soo jirtay.

Bebo mudadii 20-sano xiliyo kala duwan waxay soo ahed atiriishada ugu mushaarka badan gaar ahaan bilawgii qarnigaan 2003 iyo wiixi ka dambeyay mudo kooban ayee ahed atiriishada ugu mushaarka bada Bollywoodka oo waxay ka mushaar badneed kuwii iyada ka awood badnaayen xiligaas sida Preity, Aishwarya iyo Rani sababtana waxay ahed Bebo oo daawadayaasha xiiseyn jireen kana da’yared kuwa kale.

Hadaba mudo 20 sano kadib Kareena wali waxxay safka hore kaga jirtaa atiriishooyinka ugu mushaarka badan waaqtigaan inkastoo hader hogaanka hayaan Deepika iyo Kangana saas eetahay Kareena liiska ugu horeeyo ayee kujirtaa sida xogta ugu dambeysay lagu ogaaday.

Halkii Filim 6-Crore ayee xidigtaan ku qaadataa sida wararkii u dambeyee sheegayaan waana lacago badan oo atiirishooyinka dhalinta ah ee aadka loo doon doono xitaa la siinin xili Kareena 20-sano soo taagneedna intaas lacago ah la siinaayo mashruuceda xiga waa Laal Singh Chada oo December la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here