Imisa tabarucaad ayay Hande Ercel ka uruurisay xafladeeda dhalasho?

0
902

Waxaan horay idiin kula wadaagnay in atariishada Turkiga Hande Ercel dhalashadeeda 27aad xaflada ay qabsan doonto in hadiyadaha badalkooda ay uruurin doonto lacag tabarucaad ah taasoo lasiin doono dumarka la jiifo xanuunka Kansarka.

Hande oo halkii hadiyad looga keeni lahaa dalbatay lacag ayaa waxaa xafladeeda kasoo qeyb galay shakhsiyaad badan kuwaas oo qaarkood jilayaal caan yihiin waxayna aruurisay hanti dhan 109,000 oo Liiro Turkisha ah.

Hantidaan ayaana waxay ku wareejisay Hey’ada Kheyriga ay iyada leedahay misna magaceeda ku qoran ayadoona halkaas looga sii gudbin doono dumarka xanuunsan.

Falkaan ayaana aad loogu amaanay Hande iyo sidey marwalba u caawido dadka masaakiinta ee dhiban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here