Filmsameya Imtiaz Ali iyo atiriishada Deepika Padukone waxay kasoo wada shaqeyeen 2 film kuwaaso kala ah Love Aaj kal iyo Tamasha.

Hadaba filmsameyahan ayaa amaan kala duldhacay atiriishadan asigoo kutilmaamay gabar awood badan wuxuuna wareysiga kusheegay,”markaan film usameynaayo Deepika waxaan ka faaidaa qibrad heer sare ah waxaana jeclaan lahaa film walba inaan ayada usameyo waxbadan ayaan kasii faaidi lahaa.”

Wuxuu hadalkiisa kudaray asigoo siiwata,”waa atiriisho awood badan qaab jiliin heer sare ahna leh waxaan u hayaa xushmad midii ugu sareysay waana jeclahay Deepika inaan film walba kala shaqeyo.”

“Fahamkeeda markii aad lashaqeyneso iyo qaabka ay howsha kuula wadeyso ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee aad abid ka xasuusan doonto waana mida aan kujeclahay wada shaqeynta aniga iyo Deepika film walba ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here