In 3 sano la qoraayay 2 sanana la duubaayay in uu yahay filimka albaabada u furay darajada 300 crore iyo xog walba oo aad uga baahantahay filimka PK oo maanta oo kale la daawaday.

0
2267

Inaba caadi ma ahan filimka PK kaasoo la daawaday 19kii December 2014tii maanta oo kale wuxuuna markii shaashada la saaray noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo abid hindiya asigoona cagta mariyay wixii rikoor guud ahaan hindiya u yaalay markaas.

PK waxaa hogaamiye ka ah jilaaga Aamir Khan waxaana ku wehliso Anushka Sharma aydoo uu Sanjay Dutt muuqaal ku leeyahay filimkaan waxaana Directed ka ah filim sameeyaha laga daba dhacay ee Rajkumar Hirani asigoo ay sidoo kale maalgaliyeen isla Rajkumar Hirani iyo Vidhu Vinod Chopra.

Filimkaan ayaa wuxuu qorshaha ahaa markii hore in la daawado 25tii December 2013dii balse dib u dhac duubistiisa ku timid ayaa sababtay in dib loo dhigo ilaa 19kii Dember 2014tii wuxuuna dib u dhacay mudo sanad ah.

Waxaa la sheegaa in filimkaan qorista sheekadiisa bilaabatay markii Rajkumar Hirani kasoo falxashay filimka 3Idiot kaasoo asna noqday All Time Blockbuster wuxuuna Rajkumar HIrani qorista sheekada waday mudo sanad ah asigoonu uu ku wehliyay qoraaga Abhijat Joshi balse markii la dhameeyay ayaa waxaa dhacday in sheekada filimka ayba u ekaatay mida filimka Inception ayadoo Rajkumar Hirani iyo Abhijat Joshi ay layaab ku noqotay in labada sheeko dhinac kasta iska shabahaan sidaas owgeed gabi ahaanba sheekada wey kansaleen.

Balse markale ayay dib u bilaabeen qorista sheekada ayagoo kow kasoo bilaabay waxayna ku qaadatay ku dhawaad 2 sano waxaana la yaab leh in qorista sheekada filimka PK ay qaadatay 3 sano halka duubistiisana qaadatay 2 sano ayadoo filimkaan la galiyay 5 sano oo juhdi ah marka waa qasab inuu ahaado filim sheeko ahaan isku dheeli tiran tiiyoo ay jirto in hogaan looga dhigay Aamir Khan.

Marka hadii Rajkumar Hirani oo ku hubeysan sheeko heer sare filim la sameeyo Aamir Khan oo jiliin looga haray waxa kale ha filan aan ka aheyn in rikoor kasta oo Box Officeka yaalo cagta mariyaan waana arinka dhacday waayo filimkaan wuxuu noqday All Time Blockbuster asigoona cagta mariyay dhamaan ama inta badan rikooradii Box Officeka yaaleen.

Hadaba halkaan kaga bogo filimkaan iyo xogtiisa oo kooban;

Filimka; PK.

Taariikhda la daawaday; 19ka December 2014tii.

Nooca filim; Drama.

Tiyaatarada la saaray; 3600 tiyaatar.

Jilayaasha; Aamir Khan, Anushka Sharma, Sanjay Dutt, Saurbh Shukla iyo kuwa kale.

Qaabka uu ku furmay; Excellent.

Maalinta koowaad lacagaha uu keenay; 25.45 crore.

Sadaxda maalmood ugu horeyso lacagaha uu keenay; 93.82 crore.

Isbuuciisa koowaad ganacsiga uu sameeyay; 181.26 crore.

Lacagaha guud uu India kasoo xareeyay; 337.72 crore.

Isku darka dal iyo dibad lacagaha uu ka keenay; 616 crore.

Lacagaha lagu qarash gareeyay; 122 crore.

Tirade tikid u goosatay filimkaan; 35,061,000 qof ayaa tikid u goosatay.

Saamiga ay ka heleen kooxda cajaladaha iibsatay; 166.70 crore.

Natiijada uu filimkaan Box Office-ka ka gaaray; All Time Blockbuster.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here