Baris Arduc waa mid kamid ah jilayaasha ugu waaweyn uguna saameynta badan gudaha turkiga asigoona sidoo kale taageero badan kuleh daafaha caalamka siiba wadama carabta.

Hadaba waxaan idiin heynaa xog ku saabsan jilaagaan halkaan hoose kaga bogo.

-Baris Arduc wuxuu dhashay 9kii Oktoobar 1987dii waana 31 jir bisha dambe ayuuna 32 jir noqon doonaa.

-Baris wuxuu ku dhashay magaalada Istanbul balse wuxuu ku barbaaray wadanka Swezerland.

-Baris wuxuu fanka turkiga siiba taxanayaasha bilaabay sanadkii 2011dii asigoona ka bilaabay door caawin ah taxanaha Kucuk Hanimefendi.

-taxanihii ugu horeeyay ee uu hogaamiye ka noqday wuxuu ahaa taxanaha Kiralik Ask taxanahaasoo socdoy mudadii u dhaxeysay 2015 ilaa 2017dii wuxuuna gaaray guul wacan asigoona magac iyo shacbiyad balaaranba ku helay.

-Baris wuxuu kamid ahaan jiray ciidamada badbaadada bada kuwaasoo xeebaha ku sugan badbaadana u fidiya dadka biyaha ku go’doomo ama iney maanshoobaan ku sigta.

-Baris siduu sheegay wuxuu howshaas ku guda jiray mudo kabadan 8 sano asigoona mudadaas soo badbaadiyay 10,000 oo ruux in kabadan.

-Baris Arduc magaciis wuxuu micnihiisu yahay (Nabad)

-Baris wuxuu sheegay in xabiibtiisa Gupse Ozay ay tahay hogaamiyihiisa isla markaasna uu waxkasta iyada kaga dambeeyo.

-Baris ayaa aaminsan in inta badan hogaaminta ay dumarka hogaamiyaan raga tahay wax aad u wanaagsan.

-Baris wuxuu aad ugu dadaalaa inaan asiga iyo gacalisadiisa wax sawir ah ka qaadan saxaafada balse taageerayaashiisa markasta wuu la wadaagaa sawiro.

-Baris ayaa sidoo kale sheegay in maalinkasta uu taageerayaashiisa la galo wax kabadan 450 sawir oo silfeey ah wax dhibna uusan ku qabin.

-Baris waa jilaa furfuran howl kar ah sidoo kalana qaab jiliinkiisu cajiib yahay.

-Haatan Paris wuxuu hogaamiye ka yahay taxanaha Carpisma (isku dhac shil) wuxuuna marayaa season 2 xalqadiisa 17aad.

Jilaaga xiga ee aad u baahantahay inaan xogtiisa idinla wadaagno fadlan qeybta Commentiga Pageka fariintiisa noogu reeb.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here