In ilmo loo bacrimiyay in uu xaaskiisa khiyaanay iyo fadeexooyinkii ugu waaweynaa uu bartanka kaga dhacay boqorka Bollywoodka Shahrukh Khan.

0
3915

Shakhrukh Khan muran la’aan waa boqorka Bollywoodka waana mid kamid ah jilayaasha ugu caansan aduunka asigoona sidoo kale ah jilaaga ugu hantida badan Bollywoodka sidaas oo ay tahayna noloshiisa kama marna fadeexo iwm.

Maanta waxaan halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa qaar kamid ah fadeexooyinka ugu caansanaa ee uu bartanka ka galay jilaagaan hadaba halkaan hoose kaga bogo;

-Shahrukh Khan ayaa bartanka ka dhex galay fadeexo la xiriirto inuu ka ganacsaday rixinka haweeney aan xaaskiisa aheyn waxaana arin macluum ah in SRK wiilkiisa yar aysan u dhalin xaaskiisa Gauri Khan balse lagu bacrimiyay riximka haweeney kale.

Shahrukh Khan ayaa fadeexo bartanka ka galay kadib markii lagu eedeeyay inuu ka ganacsaday isla markaasna haweeney lacag ku siiyay sidii riximkeeda loogu beeri lahaa xawadiisa.

Arintaan hadalheynteeda ayaa in mudo ahba socotay waxayna kamid tahay fadexooyinkii ugu waaweynaa uu noloshiisa ku dhacay.

-Fadeexadii inuu Khiyaanay xaaskiisa.

Shahrukhan ayaa markale fadeexo kale galay kadib markii lagu eedeeyay inuu khiyaanay xaaskiisa isla markaasna uu la khiyaanay atariishada Priyanka Chopr oo waqtigaas aheyd gabar shabeel nimeed ah taasoo nimanka xaaslayaasha u qaraab doonan jirtay.

SRK iyo Priyanka ayaa lagu arkay dhowr munaasabadood iyagoo siwadjir uga qeyb galaayo waxaana suuqa gashay hadal heyn ah in boqorka Bollywoodka uu jeclaaday Priyanka isla markaasna uu xaaskiisa khiyaanayo balse markii hadalheyntaan ay badatay Guri Khan ayaa go’aansatay iney soo afjarto waxayna gurigeeda ka burisay Priyanka isla markaasna ninkeeda ka dhacsatay .

-In USA dhowr mar lagu xiray.

Shahrukh Khan waa jilaa weyn misna caan ah kaasoo daafaha aduunka siweyn looga yaqaano sidaas oo ay tahayna waxaa dhowr jeer lagu xiray Airportiyo ku yaalo gudaha USA .

Markii ugu horeysay ee SRK lagu xanibo garoon waxay aheyd sanadkii 2016dii asigoona markaas lagu xanibay garoon ku yaalo magaalada Los Anglus inkastoo markii dambey lasii daayay.

Inkastoo SRK lasii daayay sidoo kalana uu raali gareeyay safiirka India u fadhiyo USA hadana waxaa fadeexo ah adigoo jilaa weyn misna caan ah dhowr mar bilaa sabab xabsiga laguu taxaabo.

-SRK iyo cadaawada kala dhaxeyso Salman Khan.

Labadaan jilaa bilowgoodii waayaha fanka waxay ahaayeen saaxiibo isku dhaarto iyagoona sidoo kale isla sameeyeen filimaan badan oo hirgaleen sida Karan Arjun, Kuch Kuch Hota Hai iyo Hum Tumare Hai Sanam.

Balse jilayaashaan saaxiibada ahaa ayaa 2002dii madmadow kala soo dhex galay kadib markii AishWarya Rai iyo SRK aad loogu amaanay filimka Devdas isla markaasna siweyn looga hadlay sida ay isugu soo baxayaan taasoo noqotay arin uu dhibsaday Salman Khan maadaama uu Aisha ad u jeclaa.

Balse cadaawada ugu weyn waxay labadooda ka dhex bilaabatay sanadkii 2008dii kadib markii ay labadoodaba ka qeyb galeen xaflada dhalasho ee Katrina Kaif.

Sida ay saxaafad meesha goob joogta ahaayeen sheegeen Sallu iyo SRK ayaa muran dhex maray kadib markii xaflada lagu soo hadal qaaday wax ku saabsan quruxleyda Bollywoodka Aishwarya Rai  taasoona sababtay in xiriirka lakala goosto .

Arinta fadeexada noqotay ayaa ah in labadaan jilaa oo kamid ahaa jilayaasha ugu waaweyn uguna sumcada balaaran Bollywoodka sidoo kalana horay isula soo sameeyay aflaam badan oo hirgaleen ay cadaawad noocaas ah soo kala dhex gasho.

SRK iyo Sallu ayaa gadaal dambey ka heshiiyay haatana labadooda waa saaxiibo iyadoo Sallu uu muuqaal marti ku lahaa filimkii ugu dambeeyay ee SRK kasoo muuqday ee Zero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here