In Kabadan 550 Crore Waa Lacagta Ay Box Officeka Ka Kasbadeen Ranveer Iyo Deepika Ayago Noqday Lamaanaha Ugu Awooda Badan (+Sheeko Xiiso Leh)

Ranveer Singh Iyo Deepika Padukone waa lamaane nolosha dhabta ah xiriir jaceyl ka dhaxeyo sida caalamka oo dhan laga wada og yahay waxayna guud ahaan wada sameyeen sedex film oo guulo waaweyn gaaren kuwaaso kala ah Ram Leela, Bajirao Mastani iyo Padmaavat.

Filmka Padmaavat oo wali ganacsigiisa socda waxuu xidigahan ka dhigay lamaanayasha Bollywoodka ee shashada iyo nolosha dhabta ahba lamaane ku ah kuwooda ugu guulaha badan maadama ay Box-officeka ka kasbadeen ama ka keenen lacago sare u dhaafayan 550 Crore walina waa sii socotaa lacagtas oo bari iyo saa dambe waxba ku darsamaya.

Sheekada aan idiin jilcino Deepika iyo Ranveer filmooda Goliyon Ki Raasleela Ram-Leela waxuu Box-officeka ka keenay 112.97 Crore halka Bajirao Mastani uu asna keenay 183.75 sido kalena Padmaavat 250 Crore kabadan ayuu maanta soo xareyay sida awged wadarta guud ilaa hada waxay Box-officeka xidigahan si wadajir ah sedex dooda film oga kas badeen lacago ku dhow 550 Crore maalmaha soo socdana waa kasii badan doonta.

Horey uma dhicin lamaane nlosha rasmiga ah isla shaqeyeen oo lacagtaas kasbaden xitaa kuwii filmada badan isla sameyeen sida Ajay iyo Kajol, Saif iyo Kareena, Karan Singh iyo Bipasha iyo kuwa kaloo badan wali darajadan ma aysan ka gaarin Box-officeka.

Lamaanaha ugu guulaha badan Box-officeka waqtigaan waxaa noqdeen Ranveer iyo Deepika maadama sedex film kaliya lacago 600 Crore ku dhow ku kasbadeen……