In xayawaanada u heesi jirtay, in aabaheed darawal ahaan jiray khilaafka kala dhaxeeyo Burak Ozcivit iyo xaqiiqooyin aad uga baahantahay Neslihan Atagul

0
957

-Neslihan Atagul Dogulu waa mid kamid ah atariishooyinka ugu waaweyn uguna shacbiyada balaaran Turkiga.

-Neslihan inta aysan noqon atariisho caan ah heerkaana soo gaarin waxay soo martay marxalado kala duwan iyadoona fanka kusoo biirtay sanadkii 2006dii waxayna aheyd gabar aad u da’yar.

-Neslihan ayaa 20kii Agoosto 1992dii ku dhalatay magaalada Istanbul ee wadanka Turkia waana 27 jir.

-Neslihan yaraanteedii waxay waxbarashada ku dhameysatay magaalada Istanbull ayadoona kadib gashay kuliyada masraxyada lagu barto.

-Sanadkii 2006dii ayay markii ugu horeysay kusoo biirtay fanka Turkiya iyadoona door yar kaga soo muuqatay taxane waxayna markaas aheyd 14 jir.

-Kadib waxay doorar yaryar kaga soo muuqatay dhowr taxane oo is xigxigay balse midkoodna magac iyo maamuus kuma helin.

-Neslihan sanadkii 2014tii waxay markii ugu horeysay taxane ka noqotay atariishada koowaad taxanahaasoo ay kala soo muuqatay ninka ay haatan u dhaxdo ee Kadir Dogulu waxaana taxanahaas lagu magacaabaa Fatih Harbiye.

-Taxanahaas guul dhexdhexaad ayuu gaaray doorkeedana waa lagu amaanay.

-Kadib Neslihan waxay markii ugu horeysay shaashada kala soo muuqatay jilaaga weyn ee Burak Ozcivit ayagoona si wadajir u matalay taxanaha guusha weyn gaaray ee Kara Sevda,

-Neslihan waxay taxanaha Kara Sevda ku heshay magacii ay u baahneyd iyadoona noqotay atariisho magac iyo maamuusba kuleh gudaha turkiga iyo daafaha caalamkaba.

-Neslihan kadib taxanahaas guusha u gaaray ma aysan la imaanin taxane kale oo guuleysta balse sanadkaan ayaa la filayaa iney shaashada kala soo muuqato jilaaga weyn ee Engen Akyurek.

-Neslihan yaraanteedii waxay jecleyd iney xayawaanada u heesto kahor inta aysan atariisho noqon dadka wadooyinka maraayo iyo xayawaanada ayay u heesi jirtay.

-Neslihan diin ahaan waxay aaminsanatahay diinta islaamka.

-Sanadkii 2014tii waxay jaceyl wadaag noqdeen jilaaga Kadir Dogulu ayagoona is guursaday sanadkii 2016dii.

-balse taxanihii ay la keentay Burak Ozcivit wuxuu kiciyay maseerka Kadir Dogulu maadaama muuqaalo dareen leh taxanaha ku jireen.

-Kadib buuq dhacay una dhaxeeyay Burak iyo Kadir Dogulu waxaa dhacday in Burak lagu casuumay arooska Neslihan oo ay taxanaha Kara Sevda duubistiisa wadeen balse Burak ma uusan tagin xafladii arooska waana arin ay aad uga carootay Neslihan.

-Neslihan iyo Burak wax hadal ah isma weydaarsan jirin wixii arinkaas ka dambeeyay inta uu taxanaha ka dhamaanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here