Inaba caadi ma ahan 10kaan filim waa kuwa todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay iyo midkasta darajada uu Box Officeka ka gaaray.. Qeybtii 2aad.

0
529

Isbuuca koowaad waa isbuuca ugu fiican uu heysto filim walba oo tiyaatarada ku cusub waana isbuuc kala cadeeyo hadii filimka guul gaarayo iyo hadii kale.

Maanta waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 2aad ee 20ka filim ee todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen iyo filim walba inta lacag uu keenay qeybtii koowaad halkaan hoose kaga bogo.

16-Chennai Express waxaa hogaamiye ka ah jilaaga Shahrukh Khan waxaana la daawaday sanadkii 2013dii asigoona filimkaan todobaadkiisa 1aad keenay 139.70 crore wuxuuna darajo ahaan filimkaan noqday Blockbuster.

15-Race 3 waxaa la daawaday 2018dii waxaana hogaamiye ka ah jilaaga Salman Khan asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 139.97 crore balse nasiib xumo filimkaan darajo sare ma gaarin oo todobaadkiisa labaad ayuu burburay wuxuuna noqday Average inkastoo BOI wali si rasmin ugu dhawaaqin natiijada filimkaan gaaray.

14-Padmaavat waxaa hogaamiye ka Ranveer Singh iyo Deepika Padukone waxaana la daawaday 2018dii asigoona todobaadkiisii koowaad keenay 142.35 crore wuxuuna natiijo ahaan filimkaan Box Officeka ka noqday Blockbuster.

13-Simmba waxaa hogaamiye ka ah Ranveer Singh wuxuuna todobaadkiisa koowaad keenay 150.25 crore asigoona la daawaday sanadkii hore.

Filimkaan ayaa Box Officeka darajo ahaan ka noqday Blockbuster.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here