Inaba caadi ma ahan 10kaan filim waa kuwa todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay iyo midkasta darajada uu Box Officeka ka gaaray.. Qeybtii 3aad.

0
557

Isbuuca koowaad waa isbuuca ugu fiican uu heysto filim walba oo tiyaatarada ku cusub waana isbuuc kala cadeeyo hadii filimka guul gaarayo iyo hadii kale.

Maanta waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 3aad ee 20ka filim ee todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen iyo filim walba inta lacag uu keenay qeybtii koowaad halkaan hoose kaga bogo.

12-Kick waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday 2014tii asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 155.31 crore wuxuuna filimkaan darajo ahaan noqday Blockbuster.

11-Bharat waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday sanadkaan 2019ka asigoona todobaadkiisii koowaad keenay 156.71 balse todobaadkiisii labaad ayuu fashilmay wuxuuna noqday Semi Hit hadiise uu ganacsigiisa sii wadan lahaa Blockbuster ayuu noqon lahaa.

10-Prem Ratan Dhan Payo waxaa hogaamiye ka ah isla Salman Khan waxaana la daawaday sanadkii 2015ii asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 157.60 crore wuxuuna darajo ahaan noqday Hit.

9-Dhoom 3 waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan waxaana la daawaday 2013dii asigoona todobaadkiisii koowaad keenay 173.12 crore wuxuuna filimkaan darajo ahaan noqday All Time Blockbuster.

La soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here