Inaba caadi ma ahan 10kaan filim waa kuwa todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay iyo midkasta darajada uu Box Officeka ka gaaray.. Qeybtii 4aad.

0
611

Isbuuca koowaad waa isbuuca ugu fiican uu heysto filim walba oo tiyaatarada ku cusub waana isbuuc kala cadeeyo hadii filimka guul gaarayo iyo hadii kale.

Maanta waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 4aad ee 20ka filim ee todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen iyo filim walba inta lacag uu keenay qeybtii koowaad halkaan hoose kaga bogo.

8-PK waxaa hogaamiye ka ah jilaaga Aamir Khan waxaana la daawaday 2014tii asigoona keenay todobaadkiisa koowaad 181.26 crore wuxuuna filimkaan darajo ahaan noqday All Time Blockbuster.

7-Bajrangi Bhaijaan waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday 2015tii asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 183.52 crore wuxuuna Box Officeka ka gaaray darajada All Time Blockbuster.

6-Dangal waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan waxaana la daawaday 2016dii asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 192.38 crore wuxuuna darajo ahaan Box Officeka ka noqday All Time Blockbuster.

5-Sanju waxaa hogaamiye ka ah Ranbir Kapoor waxaana la daawaday sanadkii 2018dii asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 200.16 crore wuxuuna Box Officeka ka noqday Blockbuster inkastoo BOI wali aysan si rasmi ah xogteeda ugu diiwaan galinin.

 La soco qeybta 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here