Inaba caadi ma ahan 10kaan filim waa kuwa todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay iyo midkasta darajada uu Box Officeka ka gaaray.. Qeybtii 5aad.

0
796

Isbuuca koowaad waa isbuuca ugu fiican uu heysto filim walba oo tiyaatarada ku cusub waana isbuuc kala cadeeyo hadii filimka guul gaarayo iyo hadii kale.

Maanta waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 5aad ee 20ka filim ee todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen iyo filim walba inta lacag uu keenay qeybtii koowaad halkaan hoose kaga bogo.

4-WAR waxaa hogaamiye ka ah Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff waxaana la daawaday sanadkaan asigoo todobaadkiisa koowaad keenay 203.39 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday Blockbuster.

3-Tiger Zinda Hai waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday sanadkii 2017da asigoona todobaadkiisa 1aad keenay 206.04 crore wuxuna filimkaan Box Officeka ka noqday Blockbuster weyn.

2-Sultan waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan waxaana la daawaday sanadkii 2016dii asigoona filimkaan todobaadkiisa koowaad keenay 208.99 crore wuxuuna Box Officeka ka noqday Blocbuster.

1-Bahubali 2 – The Cunclusion waxaa hogaamiye ka ah Prabhas waxaana la daawaday 2017dii asigoona todobaadkiisa koowaad keenay filimkaan 246.47 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday All Time Blockbuster waana filim koonfur India laga leeyahay balse luuqada Hindiga ayuu lacagtaan ka keenay..

Sida meesha ku cad Salman Khan waa boqorka Box Officeka taageerayaasha ku qasbi karo in filimadiisa qasab kusoo aadaan asigoona 20ka filim ee aan kasoo hadalnay kuleh 7 filim.

Aamir Khan ayaa kaalinta labaad fadhiyo wuxuuna meesha kuleeyahay Sadax filim oo wada ATBB ah waxaana ku xigo Ranveer Singh oo awood xad dhaaf lasoo baxay wuxuuna meesha kuleeyahay 2 filim oo Blockbuster ah halka Shahrukh Khan uu meesha asna ku leeyahay 2 filim.

Akshey Kumar, Hrithik Roshan, Ajay Devgan, Ranbir Kapoor, Shahid Kapoor, Ajay Devgan iyo Prabhas min 1 filim ayay meesha ku leeyihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here