Todobaadka koowaad markii laga soo tago isbuuca labaad waa midka ugu muhiimsan xiliga uu tiyaatarada saaranyahay filimka waxaana kaliya ka muhiimsan isbuuca koowaad.

Ahmiyada isbuuca labaad leeyahay wey badantahay waxaana ugu weyn in filimka halka uu higsanaayo lagu ogaado lacagaha uu isbuuciisa labaad soo xareeyo waayo fashil ku yimaado filimka isbuuciisa labaad waxay dhabar jab ku noqoneysaa guusha filimka balse haduu filimka is celiyo isbuuciisa labaad isla markaasna hoos u dhac weyn sameynin wuxuu qeyb lixaad ka qaataa guusha filimka.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybta 1aad 20ka filim lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkooda labaad, hadaba ka bogasho wacan.

20-Yeh Jawaani Hai Deewani waxaa hogaamiye ka ah Ranbir Kapoor waxaana la daawaday filimkaan 2013dii asigoona todobaadkiisa labaad keenay 44.45 crore wuxuuna filimkaan Box Officeka ka noqday darajo ahaan Blockbuster.

19-Kick waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan waxaana la daawaday 2014tii wuxuuna filimkaan todobaadkiisa labaad keenay 46.15 crore asigoona darajo ahaan Box Officeka ka noqday Blockbuster.

18-Tanu Weds Manu Returns filimkaan waxaa hogaamiye ka ah Kangana Renout waxaana la daawaday 2015tii waana qeybtii labaad ee filimkii hirgalay Tane Weds Manu wuxuuna filimkaan isbuuciisa labaad keenay 46.21 crore asigoona darajo ahaan Box Officeka ka noqday Blockbuster.

17-Golmaal Again waxaa hogaamiye ka ah Ajay Devgan waxaana la daawaday 2017dii asigoona filimkaan todobaadkiisa labaad keenay 47.19 crore wuxuuna filimkaan darajo ahaan Box Officeka ka noqday Blockbuster.

La soco qeybta labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here