Inaba caadi ma ahan 20kaan filim waa kuwa todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay.

0
1209

Isbuuca koowaad waa isbuuca ugu fiican uu heysto filim walba oo tiyaatarada ku cusub waana isbuuc kala cadeeyo hadii filimka guul gaarayo iyo hadii kale.

Maanta waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa 20ka filim ee todobaadkooda koowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen iyo filim walba inta lacag uu keenay qeybtii koowaad halkaan hoose kaga bogo.

20-Kabir Singh waxaa hogaamiye ka ah Shahid Kapoor waxaana la daawaday sanadkaan 2019ka wuxuuna todobaadkiisa koowaad keenay 133.13 crore asigoona kaalinta 20aad kasoo galay filimada lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkooda koowaad waana filim Blockbuster noqday sanadkaan.

19-Happy New Year waxaa hogaamiye ka ah King of Bollywood Shahrukh Khan waxaana la daawaday sanadkii 2014tii asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 133.60 crore wuxuuna filimkaan noqday Super Hit.

18-Housefull 4 waxaa la daawaday sanadkaan 2019ka asigoo wali tiyaataradasi rasmi uga dagin waxaana hogaamiye ka ah Akshey Kumar asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 135.86 crore wuxuuna darajo ahaan filimkaan noqday Super Hit.



17-Golmaal Again waxaa la daawaday Diwali 2017dii waxaana hogaamiye ka ah Ajay Devgan asigoona todobaadkiisa koowaad keenay 136.01 crore wuxuuna filimkaan darajo ahaan gaaray Blockbuser.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here