Inaba caadi ma ahan 8daan filim rikoor ay dhigeen 20 sano kahor ilaa haatan waa loo dhawaan la’yahay.

0
3630

Rikoorada filimada laga diiwaan galiyo waa kuwa markasta lagu faano misna atooraha awoodiisa kusoo bandhigo waxaana maanta idiin heynaa 8 filim kuwaasoo intii u dhaxeysay 1994 ilaa 2000  la daawaday rikoorkii ay dhigeena wali la jabinin.

Filimadaan ayaa ah 8da filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkooda 10aad waxaana halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa filimkasta sanadka la daawaday iyo todobaadkiisa 10 lacagaha uu keenay.

8-Raja Hindustan waxaa la daawaday 1996dii wuxuuna todobaadkiisa 10aad keenay 1.48 crore.

7-Mohabbatein waxaa la daawaday 2000 wuxuuna todobaadkiisa 10aad keenay 1.59 crore.

6-Border waxaa la daawaday 1997dii wuxuuna todobaadkiisii 10aad keenay 1.61 crore.

5-Kuch Kuch Hota Hai waxaa la daawaday 1998dii wuxuuna todobaadkiisii 10aad keenay 1.65 crore.

4-Hum Aapke Hain Koun waxaa la daawaday 1994tii wuxuuna todobaadkiisii 10aad keenay 1.77 crore.

3-Dilwale Dulhania Le Jayenge waxaa la daawaday 1995tii wuxuuna todobaakiisa 10aad keenay 2.42 crore.

2-Kaho Naa Pyaar Hai waxaa la daawaday 2000 wuxuuna todobaadkiisii 10aad keenay 2.79 crore.

1-Gadar – Ek Prem Katha waxaa la daawaday 2001dii wuxuuna todobaadkiisii 10aad keenay 2.86 crore.

Sida aad u jeedidi dhamaant filimadaas ayaa 2000 iyo wixii ka dambeeyay la daawaday markii laga reebo filimka Gadar ee Sunny Deol oo la daawaday 2001dii kaliya waxaana u dhaxeeyo farqi hal sano.

Hadii aad sidoo kale meesha fiirisid waxaad ogaanee in Sunny Deol iyo Shahrukh Khan ay ahaayeen 2da xidig ee ugu awooda badnaa  Box Officeka waqtigaas waxaana meesha ugu jiro 5 iyadoo 2 filim oo darajada All Time Blockbuster ah leeyahay Sunn Deol waana Gadar iyo Border halka Shahrukh Khan uu asna leeyahay 3 filim oo labo kamid ah darajada ATBB gaareen halka filimka soo harayna uu yahay Mohabbatein kaasoo noqday Blockbuster.

Aamir Khan, Salman Khan iyo Hrithik Roshan ayaa ayagana min hal filim kuleh.

Filimadaan waa 8da filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen todobaadkooda 10aad sida ay sheegtay xogta ay BOI soo bandhigtay waana wixii ka dambeeyay 1994tii oo xisaabta kuma jiraan filimadii 1994tii kahoreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here