Xidiga reer Tamil ee door walbo sameyn karo Arya ayaa ciwaanada Koonfur Hindiya heesto madaama uu aragti kowaad kasoo bandhigay filimkiisa Sarpatta ee uu ku matalaayo feer yahan awood badan waxaana lala yaabay sida Arya uu isku diyaariyay murqaha uu lasoo baxay iyo bandhiga uu shaashada ka sameyn karo atoorahan qaab kasto filimada u jili karo.

Filimka Sarpatta waxaa Arya ku wehliyaan Dushara oo atirisho kowaad ka ah iyo Kalaiyarasan Harikrishnan waxaana Director ka ah filimkan xiisaha badan Pa Ranjith oo ku caan baxay sameynta filimada fariimaha waaqiciga xambaarsan ee dadka soo jiitaan xili walbo waxaana la sheegay in mashruucan shaqadiisa socotay mudo hal sano ah haatana duubistiisa gabo gabo ku dhow dahay.

Arya wuxuu yiri “Wax aan loo dhibtoon laguma dheefsado, juhdi badan ayaan galiyay sidii aan ku diyaarin lahaa jirkeyga si aan muuqaalada feerka riingaha ka run sheego waxaana ku faraxsanahay sida haatan loo soo dhaweeyay aragtida kowaad ee aan Sarpatta kasoo bandhignay waan hubaa inaa fariinta filimkan ka heli doontiin.”

Sarpatta waxaa la sheegay fariin ahaan inuu ka hadlaayo xili hore sheeko ka dhacday Waqooyiga magaalada Chennai ee Tamil xarunta u ah nin feeryahan ku noolaa maqaamkii uu riingaha ka gaaray iyo dhibaatooyinkii uu la kulmay waxaana doorkan u cadaalad fali doono Arya oo muuqaalkiisa xitaa wax badan ka badan shaarbo sameestay iyo murqihii saxda ahaa ee riingaha feerka loogu tala galay. Waxayna kooxdan filimkan dhawaan ku dhawaaqi doonaan xiliga la daawan doono madaama duubistiisa gabo gabo ku dhow dahay.

1 COMMENT

  1. Waa Mahadsan Tihiin Asxaabta Qaaliga Ah Filmside
    Sida Sharafta Badan Aad Noola Wadaagteen Akhbaarta Filmada Koonfurta iyo Bollywood Ka
    **********
    Waa Ika Codsi Akhbaarta Filmka Tadap Ama Rx 100 Remake Noo Soo Qora Mar Walba Aad Akhbaar Ka Heshaan Waana Mahadsan Tihiin*************

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here