Xidiga reer Telugu ee sida weyn loo jecel yahay Varun Tej dhawaan wuxuu u dabaal dagay sanad guuradiisa 30-aad waxaana la xasuustaa in sanadkii hore uu Tollywood wacdaro ka dhigay kadib markii filimadiisii F2 – Fun & Frustration iyo Gaddalakonda Ganesh Big Hits noqdeen haatana taageerayaashiisa wuxuu la wadaagay aqbaar farxad leh.

Varun Tej ayaa soo bandhigay aragtida kowaad filimkiisa xiga ee uu feer yahan ku matalaayo waxaana laga wada helay sida uu jir ahaan isugu diyaariyay doorkan dhibka badan waxaana loo bixiyay filimkan Boxer ayadoo Varun labadii bilood ugu dambeeyay tababar adag kusoo qaatay gudaha Mareekanka gaar ahaan magaalada Los Angeles.

Filimka Boxer Varun Tej wuxuu kusoo bandhigi doonaa awood xad dhaaf ah sidoo kalena murqo aan looga baranin ayuu shaashada la hor imaan doonaa wuxuuna sheegay 100% doorkiisa feeryahanka inuu ka run sheegi doono sidoo kalena mashruucan fariintiisa waa mid qiiro badan ee riingaha kaliya kuma xeen daabno.

Filimka Boxer waxaa Director ka ah Kiran Korrapati waana markii ugu horeesay ee uu filim agaasimo waxaana mashruucan isla maal galinayaan Allu Venkatesh iyo Sidhu Mudda halka S. Thaman uu muusigada iska leeyahay waxaana la qorsheenayaa filimkan qeybihiisa dambe in la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here