Inaba caadi ma ahan Dabangg 3 sare u kaca uu shalay sameeyay iyo filimkaan oo fasaxa Christmaska siweyn uga faa’ideystay.

0
1890

Filimka Dabangg 3 ayaa fasaixii Christmaska ee shalay siweyn uga faa’ideystay asigoona filimkaan shalay keenay 15.50 crore wuxuuna sameeyay 65% sare u kac ah waana arin cajiib ah.

Filimka Dabangg 3 ayaa shalay si lama filaan ah sare u kac weyn u sameeyay ayadoo aan marnaba laga filaneynin in filim mashaakil bartanka ka galay sidoo kalana sheekadiisa Normal aheyd inuu sare u kac noocaan sameyn doono maalintiisa lixaad.

Hase yeeshee arinkaas waxaa u sabab aheyd mashaakilkii gudaha India ka jiray oo soo idlaadeen iyo fasaxii shalay ee Christmaska kaasoo suurto galiyay in dadweynihii Weekendiga filimkaan rabshado dartiis u daawan waayeen ay shalay tiyaatarka kusoo xoomaan.

Arintaan ayaa hada waxay ka dhigantahay in Dabangg 3 lacagihii isbuuciisa koowaad laga filanaayay ee ahaa 105 ilaa 110 cvrore uu ku keeno mudo 6 maalmood asigoona haatan maraayo 107 crore nadiif ah.

Waa hubaal in filimkaan maanta hoos u dhici doonaan lacagihiisa balse lama qiyaasi karo hoos u dhaca uu sameyn karo filimkaan.

Halkaan hoose kaga bogo D3 iyo mudo 6 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 22.50 crore.

Sabti; 22 crore.

Axad; 28.50 crore.

Isniin; 9.25 crore.

Talaado; 9.25 crore.

Arbaco; 15.50 crore.

Wadarta guud; 107 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here