Inaba caadi ma ahan dhacdooyinka xalqada 17aad ee taxanaha Hercai iyo sirtii Azize oo kashifmi rabto.

0
2995

Waxaa lasoo bandhigay qoraal lagu soo koobayo dhacdooyinka ugu muhiimsan ee xalqada 17aad taxanaha Hercai hadaba halkaan hoose kaga bogo;

-Miran iyo Reyyan waxay bilaabayaan iney kasoo kabtaan dhaawacii noloshooda aafeeyay kaasoona ay Aziza ka dambeysay waxayna dhacdo kasta oo xun uga soo tagayaan gadaashood iyagoona noloshooda horay usii amba qaadi doonaan.

-Si arinkaas u dhacdo isla markaasna qalbiga Reyyan loo daaweeyo wuxuu bilaabaa  Miran inuu dib u saxo dhamaan khaladaadkiisii hore si qalbigeeda bilaa dhaawac u ahaado.

-Intii Miran iyo Reyyan jaceylkooda ku mashquulsanyhii Hazar wuxuu ku daba joogaa siduu u cadeyn lahaa inuu jiro cadow sadaxaad waxa dhacayna aysan iyaga masuul ka aheyn.

-Sidoo kale Hazar ayaa isku dayayo inuu ku qanciyo Miran in fikrada uu aaminsanyahay ay tahay mid khaldan uuna arinkaas u cadeyn doono.

-Hazar ayaa Miran u keeni doonop shakhsi ka warhayo noloshoodii hore si uu ugu cadeeyo waxa loo sheegay iney been yihiin ayaydiisna ay been ku akhrisay.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan yaa waxay tahay waa kuma shakhsigaas?

Hazar maka caawin doonaa in Miran xaqiiqda u sheego?

Maxaa dhacayo hadii Miran xaqiiqda ogaado iyo in ayaydiisa been ka dharjisay?

Dhamaan dhacdiiyinkaas iyo kuwa kale oo xiiso lehba waa waxa loo daawan doono xalqada 17aad oo soo gali doonto habeen dambe 8;00pm xiliga geeska afrika kanaalka ATV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here