Waxaa habeen hore lasoo bandhigay xalqadii koowaad ee taxanihii lawada sugaayay ee Sefirin Kizi (gabadhii safiirka) waxayna xalqada gabi ahaanba aheyd mid aad u qiiro badan sidoo kalana lagu soo bandhigay qaab jiliin cajiib ah.

Inaba caadi ma aheyn qaab jiliinka Neslihan Atagul ay xalqadaan kusoo bandhigtay waxaadna ogaanee iney tahay boqorada jiliinka waqtigaa ee turkey hadaba halkaan hoose kaga bogo dhacdooyinka xalqada oo kooban.

-Sancar (sangaar loogu dhawaaqaa) waa wiil kasoo jeedo qoys faqiir ah misna beeraleey wuxuuna jaceyl u qaadaa gabar qoys ladan kasoo jeedo isla markaasna uu dhalay safiir Turkey leedahay kaasoo marba dowlad loo wareejiyo waxaana gabadhaas la yiraahdaa Nare.

-Nare iyo Sancar si joogto isuma arkaan maadaama Nare aabaheeda safiir yahay waxay inta badan joogtaa yurub iyo wadamada uu aabaheeda shaqada u joogo balse waxay Nare tuulada Sancar imaataa bilaha fasaxa waxayna waqti la qaadataa Sancar.

-Lamaanahaan waxay ogyihiin in Nare aabaheeda uusan raali ka noqon doonin guurkooda maadaama isku dabaqo aheyn sidaas owgeed waxay go’aansanayaan in si qarsoodi isku guursadaan weyna is guursanayaan.

-balse habeenka aqal-galkooda ayaa wuxuu Sancar ogaanaa in Naare aysan Bikro aheyn oo horay galmo usoo sameysay waana arin dhaqankooda uusan marnaba aqbaleynin maadaama reer tuulo uu yahay Nare ayuu ku tuhmaa iney khiyaantay.

-Blasé Nare waxay ugu jawaabee kuma khiyaanin balse waa la ikufsaday ayadoo sheegyso in wiilka gurigooda joogo balse aabaheeda soo korsaday ee lagu magacaabo Akin uu kufsaday waxayna Nare Sarcan u sheegee in arintaas aabaheeda xitaa uusan ka rumeysan balse ugu yaraan asiga uu iyada aamino.

-Sarcan wuxuu guriga kasoo burinaa Nare mana rumeysanaayo taasoo kalifeyso in Nare ay buur dheer fuusho iskana soo tuurto.

-9 sano ayaa kasoo wareegatay waxaa lagu tusinaa Nare oo dileyso Akin balse laguma tusaayo qaabka ay Nare ku badbaaday.

-sababta Nare u dileyso Akin ayaa waxay tahay in markale uu isku dayayo inuu kufsado balse toogtaan mindi ayay ka taagee.

-Naare waxaa u joogto gabar 8 jir ah waxayna kasoo tagee wadanka ay joogto ayadoona usoo safreyso Turkey si gabadhaan yarta aabaheeda oo Sancar ah ugu wareejiso maadaama iyada booliska ku raad joogaan.

-Nare inta ay Turkey safarka usoo tahay waxay diyaarada isku baranayaan Gudiz oo Sancar saaxiibkiis ah balse ma oga in gabadhaan diyaarada ku baranaayo ay tahay jaceylkii hore ee saaxiibkiisa.

-Sancar kadib markii ay mudo 10 sano ku dhaw kasoo wareegatay xaaladii ku dhacday haatan waa hantiile wuxuuna isku diyaarinayaa guurkiisa asigoona gabar tuuladiisa ka tirsan guursanaayo.

-habeenka arooska markuu arooska dhaco ayaa waxaa goobta soo gaareysp Nare oo gabadhii yareyd gacanta ku sidato wuxuuna qorshaheeda yahay in gabadha aabaheeda ku wareejiso kadibna is disho.

-Markii Nare goobta timaado waxay imaanee meesha oo xaflad aroos ka jirto isla markaasna Sancar uu gabar kale guursanaayo balse markuu guurka dhaco ayay Sancar soo hor istaagee xili dadka tuulada dhan shoog wada dareemayaan maadaama loo heystay in ay waa hore dhimatay.

-Nare markii ay Sancar soo kor istaagto waxay si layaab eh ku dhahee gabadhaan waa gabadhaadii adigaa dhala.

-Balse Sancar layaab ayay ku noqonee midaas waxaana halmar istaagayo xafladii iyo arooskjii meesha ka socotay ayadoo Nare goobta ku suuxeyso markii ay hadalkaas dhahdo.

-Sarcan ayaa Nare soo qaadayo qol ayuuna soo galinaa markii ay soo naaxdo ayuu ku dhahaa inaad aarsato miyaad u timid waliba habeenka aqal galkeyga inaad isoo kor istaagto iina sheegtid gabar aan waligey arkin misna maqlin inaan aabo u ahay?

-Sancar hadalka Nare ma aaminaayo wuxuuna iyada iyo gabadheedaba kasoo burinaa markale gurigiisa asigoo dhahaayo gabar aan dhalay ma jirtee markale aragaaga ha I tusin.

-Naare waxaa meesha kasoo wadaayo Sancar saaxiibkiisa Gudiz wuxuuna keenaa gurigiisa balse wuxuu ogaanaa in Nare qorsheyneyso iney is disho markii ay gabadheeda yarta ku wareejiso aabaheeda.

-Gudiz wuxuu la hadlaa Nare una sheegaa in falka isdilida uusan fiicneen asigoona uga dugaayo balse Nare waxay ku dhahee Gudiz hadii aad arinkaan u sheegtid Sancar ogow inaan markaas si dhab ah isku dilaayo.

-Sancar habeenkaas ma seexanaayo maadaama tashwiish lagu furay wuxuuna soo baxaa subaxii asigoo imaanayo guriga Nare ay joogto wuxuuna u sheegaa in hadii gabadhiisa tahay iyo hadii kale lagu kala ogaan doono baaritaanka DNA –ga sidaas darteed isbitaal ayay aadayaan si loo cadeeyo.

-Sancar wuxuu go’aansanaa hadii ay xaqiiqo noqoto misna gabadhiisa tahay uu gurigiisa u kaxeysto misna korsado sidaas darteed wuxuun sugaa natiijada baaritaanka waxaana soo baxeyso 99% iney is dhaleen taasoo cadeyneyso in Sancar uu dhalay gabadha yarta ah.

-Sancar ayaa go’aansanaayo in gabadha gurigiisa u wato wuxuuna geynaaa gurigiisa asigoo xaaskiisa cusub hooyadiisa walalihiisa u sheegaayo in gabadhaan uu asiga dhalay hada kadibna ay guriga kula noolaan doonto qofkii dhib ku qabana uu asiga guriga isaga guuro.

-Dhanka kale Nare markii ay hubsatay in Sancar gabadhiisa aqbalay ayay markale fuulee buurtii ay hada kahor iska soo tuurtay si ay isku disho.

-Gudiz oo naxsan ayaa Sancar u imaanayo wuxuuna u sheegaa in Nare qorsheyneyso iney is disho misna uu badbaadiyo.

-Sancar ayaa soo aadayo dhankii buurta wuxuuna arkaa Nare oo saaran buurta meesheeda ugu sareyso misna dooneyso iney isi soo tuurto.

Dhamaad xalqada ayaa halkaas ku go’eyso.

Inaba caadi ama ahan qaab jiliinka xiisaha leh ee Engin iyo Neslihan xalqada kusoo bandhigeen waxaa kaloo xusid mudan in ninka Akin ah ee kufsaday Nari misna u maleyso inuu dhintay uusan wali dhiman balse badbaadayo oo isbitaal la geynaayo.

Hadaba akhristow hadii aad daawatay xalqada ama dhacdooyinka akhrisatay sidee u aragtaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here