Inaba caadi ma ahan filimka Darbar oo subaxaan tiyaatarada India gilgilaayo asigoo waliba ku furmay qaabka waalida ee Bumper Opening ganacsi weyn ka filo maalintiisa koowaad.

0
1453

Filimka Darbar waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Rajinikanth waxaana ku wehliyaan Nayanthara, Nivetha Thomas iyo Suniel Shetty waana filim Tamil ah balse luuqado badan sida Hindi iyo Telagu lagu daawanaayo.

Filimkaan ayaa subaxaan ku furmay 76.09% waana nadaamka waalida ee loo yaqaano Bumper Opening asigoona waliba xaruunta Tamilka ee Chennai kaga furmay 90% waana bilaabasho taariikhi ah oo ku tuseyso awooda rug cadaaga 70 jirka ah ee Rajinikanth inaan marnaba loo dhawaan Karin.

Sidoo kale filimkaan luuqada Telagu ayaa lagu daawanayaa asigoona halkaas kaga furmay 60% waana Excellent Opening halka luuqada hindiga uu kaga furmay 8.68% inkastoo ay liidato hadana maanta waa khamiis waa maalin shaqo xarunta Bollywoodkana awood balaaran kuma lahan Rajinikanth.

Qiyaasta xili hore sida uu filimkaan maanta ku furmay waxay ka dhigantahay inuu dhamaan luuqadaha lagu daawaday keeni doono 40 crore waana arin cajiib ah in filim aan maalin fasax la saarin uu maalintiisii koowaad 40 crore ka talaabo.

Waxaan sugnaba waa duhurkaan maanta iyo filimkaan sida uu sare u kac u sameeyo iyo ganacsigiisa maanta halka uu tiigsanaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here