Inaba caadi ma ahan Filimka Good Newwz iyo talaadadiisii koowaad ganacsiga uu sameeyay.

0
1387

Filimka Good Newwz ayaa shalay oo talaado aheyd gudaha India kasoo xareeyay 15.50 crore asigoona 20% sare ukac sameeyay markii lala barbardhigo isniintiisii koowaad oo uu keenay 13 crore waana sare u kac hubaal ka dhigay in filimkaan haatan Super Hit yahay.

Good Newwz ayaa Delhi/NCR Blockbuster ka noqday maadaama uu halkaas ganacsi weyn ka sameynaayo waliba qaab waali ayaa looga daawanayaa waxaana halkaas lamid ah East Punjab halka magaalooyinka kale uu ganacsi fiican ka sameynaayo.

Filimkaan ayay haatan hubaal tahay inuu Super Hit noqon doono maadaama uu maanta oo arbaco ah ka faa’ideysan doono fasaxa sanadka cusub isla markaasna uu todobaadkiisa koowaad keeni doono lacago u dhaxeeyo 120 ilaa 130 crore.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Good Newwz iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 17.50 crore.

Sabti 21.50  crore.

Axad; 26 crore.

Isniin; 13 crore.

Talaado; 15.50 crore.

Wadarta guud; 93.50 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here