Waxaa markii ugu horeysay Filim wada sameeyn doonaan halyeeyda kala ah Sanjay Dutt, Suniel Shetty, Paresh Rawal iyo R.Madhavan waa mashruucii kowaad afartooda wada sameyaan waxaana loogu magac daray DogHouse waana filom shactiro ah.

Markii hore Sanjay Dutt ayaa la sheegay inuu hogaamin doono balse Director Sameer Karnik oo horey u sameeyay Yamla Pagla Deewana ayaa mashruuca DogHouse kusoo daray xidigaha kala ah Suniel Shetty, Paresh Rawal iyo R.Madhavan.

Waa filim arimaha qoyska ka hadli doono balse shactiro ah qosolkana kaa dhameen doono duubistiisa waxay bilaawane 20-ka Janaayo 2020 Abu Dubai ayaana lagu duubi doonaa jadwalkiisa kowaad sido kalena 65 maalmood Imaaraatka ayaa lagi duubaa sida la sheegay.

Ilaa hada lama shaacinin doorarka xidigahan iyo xiliga la daawan doono filimkaan xiisaha leh balse waxay wararka sheegen in hal atoore kale lagu soo dari doono iyo atiriishooyin dhowr ah waa markii ugu horeysay R.Madhavan la shaqeyn doono Bollywood Baba iyo Anna of Bollywood.

Dhanka kale Sanjay Dutt iyo Suniel Shetty waa filimkooda 10-aad ay wada sameeyn doonaan sido kale Paresh Rawal ayaa daawadayaasha qosol ka dharjin doono halka kabtankii hore ciyaarta Cricket-ka M.S.Dhoni uu muuqaal marti ah ku lahaan doono mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here