Filimka Tanhaji – The Unsung Warrior ayaa wali ganacsigii waalida iska sii wato wuxuuna ku gudo jiraa todobaadkiisii 4aad balse filimkaan wuxuu u gadmayaa sidii mid dhawaan tiyaatarka la saaray.

Tanhaji oo jimcadiisii 4aad keenay 2.25 crore ayaa sabtidiisii 4aad siweyn sare ugu kacay wuxuuna soo xareeyay 4.40 crore balse shalay oo axad aheyd ayuu filimkaan kasii daray kadib markii uu keenay 6.25 crore.

Arintaan ayaa haatan waxay ka dhigantahay in filimkaan Weekendiga todobaadkiisa 4aad uu soo xareeyay 13 crore asigoona noqday filimkii 3aad ee darajadaas gaaray.

Waa hubaal in Tanhaji uu dhaafi doono lacagaha filimka Kabir Singh soo xareeyay todobaadkiisa 4aad ee 16da crore ah wuxuuna noqon doonaa filimka sadaxaad ee todobaadkiisa 4aad lacagaha ugu badan soo xareeyay waxaana haatan target u ah inuu todobaadkiisa 4aad gaaro 20 crore iyo kabadan waana darajo ay kaliya gaareen filimada Uri iyo Bahubali 2.

Halkaan hoose kaga bogo Tanhaji iyo lacagihiisa halka ay marayaan.

Week1; 115.28 crore.

Week2; 77.87 crore.

Week3; 38.72 crore.

Jimce; 2.25 crore.

Sabti; 4.50 crore.

Axad; 6.25 crore.

Wadarta guud; 244.87 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here