Inaba caadi ma ahan filimka WAR oo ku socdo inuu isniintiisa koowaad keeno 20 crore. Kani waa Blockbuster

0
1488

Filimka WAR ayaa si adag isku celiyay maanta oo isniin ah kadib markii shalay si waali ah u gadmay soona xareeyay 38 crore.

Filimka WAR ayaa maanta si adag isku celiyay wuxuuna maanta oo isniin ah la midyahay maalintii jimcada asigoona haatan lagu wado inuu 20 crore keeno maalintiisa 6aad waana ganacsi aan macquul aheyn.

Filimka WAR wuxuu ku socdaa wadadii uu Blockbuster weyn ku noqon lahaa waxaana macquul ah in todobaadkiisa koowaad keeno 200 Crore waana ganacsi weyn asigoona maanta ka faaideysanayo fasaxa Mahanavami oo gobolada qaar ka jiro.

Arintya layaabka leh waxay tahay in filimka WAR uu isniintiisa koowaad keeni doono 20 crore ayadoona isniintiisa koowaad ugu soo aaday maalintiisa 6aad waxaana wax adag ahaan jirtay in isniinta koowaad la keeno 20 crore xitaa ayadoo maalinta 4aad kusoo aadi jirtay balse WAR midaas waxba kama galin wuxuuna iska sii wataa ganacsigiisa asigoona haatan ku biiri doono filimada fara ku tiriska ah ee isniintooda koowaad 20 crore keeneen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here