Inaba caadi ma ahan filimka WAR oo ku socdo inuu taariikh dhigo iyo qiyaas ahaan lacagaha uu maanta soo xareeyay.

0
1217

Filimka WAR oo ay hogaaminayaan labada jilaa ee Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff ayaa saakay tiyaatarada la saaray ayadoona gudaha hindiya laga saaray ku dhawaad 4,000 oo tiyaatar.

WAR ayaa saakay ku furmay nadaamka waalida kadib markii uu ku furmay 80% balse duhurkii maanta ayuu sii karaar qaatay asigoona gaaray 90% taasi oona hubanti ka dhigtay inuu bari keeni doono lacago u dhaxeeyo 45 crore ilaa 48 crore waxaana macquul ah inuu gaaro 50 crore.

Filimka WAR ayaa caawo fiidkii hoos usoo dhacay asigoona maraayo 75% waxaana hoos u dhacaan u sabab ah maadaama barito maalin shaqo tahay waana arin iska caadi oo la filaayay mana ka dhigna in filimkaan daawadayaasha ka heli waayeen.

Hadaba waxaa la qiyaasayaa in filimka WAR uu maalinta bari soo xareyn doono lacago u dhaxeeyo 45 crore ilaa 50 crore taas oona filimkaan ka dhigi doonto filimkii labaad ee Bollywood kaasoo lacagaha ugu badan hal maalin soo xareeyay waxaana kaliya ka horeeyo filimka Thugs of Hindustan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here