Inaba caadi ma ahan filimka WAR oo maalintiisii 2aad is celiyay iyo qiyaas ahaan lacagaha uu keenay.

0
1498

Shalay oo arbaco aheyd waxaa tiyaatarada India gilgilay filimka WAR o ay hogaamiye ka yihiin Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff wuxuuna dhigay rikoor taariikhi ah bacdamaaa uu noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay maalintiisa koowaad wuxuuna keenay 51.50 crore asigoona rikoorkaan kala wareegay filimka Thugs of Hindostan.

Hadaba filimka WAR ayaa maalintiisii labaad qiyaas ahaan keenay 22 ilaa 23 crore asigoona sameeyay 55% ilaa 60% hoos u dhac waana wax iska caadi ah hoos u dhacaaas oo waa dabiici maadaama shalay feesto ka jirtay India maantana maalin shaqo aheyd.

WAR qaabka uu ku socdo wuxuu lamid yahay filimka Ek the Tiger oo maalintiisii koowaad keenay 31 crore halka maalintiisii labaadna keenay 14 crore asigoona sameeyay 55% hoos u dhac waxayna labada filimba ka simanyihiin in maalin feesto la daawaday halka maalinta labaadna maalin shaqo aheyd walow lacag ahaan WAR loo dhawaan Karin hadana sideen ku furmeen iyo sida hoos ugu dhaceen waa isku mid.

Arintaan ayaa ka dhigan in filimka WAR uu mudo labo maalmood keenay 74 crore waana guul weyn waxaana xusid mudan in fasaxa isbuuc dhamaadka ee maalmaha sabtida iyo axada wali u dhimanyahay balse waxaa kasoo horeyso bari oo jimce ah waxayna u badantahay inuu sameyn doono hoos u dhac yar balse waxaa hubaal ah in sabtida iyo axada kor u kici doono.

Qaabka uu ku socdo haatan waxay u muuqataa in filimka WAR uu Hit dhameystiran yahay balse hadii uu sabtida iyo axada si weyn sare ugu kaco sidoo kalana maalmaha shaqada is celiyo waxaa hubaal ah inuu noqon doono Blockbuster weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here